3 askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Australia

0
272

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada badda ee dalka Maraykanka ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ka qayb galaysay dhoolatus milteri oo ka dhacayay wadanka Australia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 20 askari ay shilkan ku dhaawacmeen.
Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa MV-22B Osprey ayaa ku dhacday jasiiradaha Tiwi ee waqooyiga Darwin ee dalka Australia.
Shan ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa xaaladdooda laga dayrinayaa.
Waxaa haataan socda howlgal samatabbixin ah oo dhacdadan ku aadan.
Ra’iisul wasaaraha wadanka Australia Anthony Albanese ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid laga argagaxo.
Dhowr qof ayaa la soo badbaadiyay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Australia ee (ABC).