Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa ku dhawaaqay in xarunta ay kenyaanka ka qaataan baasaboorrada ee Nyayo House ee magaalada Nairobi ay tahay goob uu dambi ka dhacay.
Waxaa uu wacad ku maray inuu dagaal adag la geli doono tuugada baasaaboorrada uu ku eedeyay burburinta howlaha xaruntaasi.
Wasiirka ayaa xusay inay jiraan saraakiil laaluush qaata, iyada oo ay ahayd inay dadka Kenyaanka ah la siiyo adeegyo bilaash ah.
Waxaa uu sheegay in dib u dhaca ku yimid adeegyada laga bixiya xarunta Nyayo ay sabab u tahay musuqmaasuqa halkaasi ka jira.
Prof. Kindiki ayaa carrabka ku dhuftay in qaybo ka mid ah dalka ay qaadanayso helitaanka kaararka aqoonsiga qaran ee kibaandaha muddo saddex sano ah.