TikTok oo dowladda Kenya kala shaqeyn doonto waxyaabaha la soo dhigo aaladan

0
263

Waxaa maanta kulan fogaal arag ah yeeshay madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa fulinta ee aaladda TikTok Shou Zi Chew.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in adeegga muuqaallada gaaban la iskula wadaago ee aaladda TikTok ay Kenya kala shaqeyn doonta dib u eegista iyo la socodka waxyaabaha la soo dhiga ee kenyaanka isticmaala aaladan.
Tallaabadan ayuu madaxweyne Ruto ku tilmaamay inay xaqiijin doonto in waxyaabaha la soo dhigo aaladdan ay ahaadaan kuwa u hoggaansan nidaamka lagu heshiiyay.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in horumarkan cusub ay ka dhigan tahay in waxyaabaha aan habboonayn ama meel ka dhaca ah laga saari doono aaladda Tiktok ee gudaha wadanka.
Madaxa fulinta ee Tiktok Shou Zi Chew ayaa dhankiisa xaqiijiyay in shirkaddan ay xafiis Kenya ka furaneyso kaas oo isku xiraya howlaha ay ka hayaan qaaradda Afrika.
Waxaa uu ballanqaaday inuu shaqaaleysiin doonoΒ  Kenyaan badan, si ay uga shaqeeyaan aaladda TikTok.