Xildhibaanno cambaareeyay weerar lagu dhaawacay wakiilka haweenka ee ismaamulka Kirinyaga

0
268

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa cambaareeyay dhibaato loo gaystay wakiilka haweenka ee ismaamulka Kirinyanga, Njeri Maina, xilli ay kormeereysay mashruuca biyaha ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa ay mudanayaasha doonayaan in baaritaanada dhacdadan la xiriira la dedejiyo.
Xildhibaanada ayaa ku andacooday in koox xulafo la ah barasaabka ismaamulka Kirinyanga Anne Waiguru ay weerareen wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi ayna dhaawaceen.
Wakiilka dumarka ee Kirinyaga ayaa waxa uu dhaawac halis ah ka soo gaaray madaxa, iyadoo loola cararay qaybta marxaladaha degdeg ah ee isbitaalka Nairobi Hospital.
Afhayeenka golaha qaran ee xeer dejinta ee dalka Moses Wetangula ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka wadanka Kimani Ichung’wah uu dabagal ku sameeyo arrintan, si shakhsiyaadka dhacdadan ka dambeeyay la horgeeyo sharciga.
Mr. Ichung’wah ayaa dhanka kale cambaareeyay dhacdadan, isagoo ugu baaqay hay’adaha baarista ee ay khuseyso arrintan inay xaqiijiyaan in shakhsiyaadka dambiilayaasha gacanta lagu soo dhigo.
Sidoo kale, hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka ,Opiyo Wandayi ayaa ugu baaqy hay’adaha dambi baarista inay u yeeraan barasaabka ismaamulka Kirinyanga Anne Waiguru, si arrintan wax looga weydiiyo.
Waxaa uu ku eedeyay Anne Waiguru, in weerarka lagu dhaawacay wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi ay iyada ku lug leedahay.