UN: Ugu yaran 200 oo askari oo ka tirsanaa maamulkii hore ee Afghanistan oo la dilay tan iyo markii Taalibaan la wareegeen xukunka

0
298

In ka badan 200 oo askari iyo saraakiil hore ugu tirsanaa maamulka dowladda Afghanistan ayaa si sharci darro ah loo dilay tan iyo markii xukunka ay la wareegeen kooxda Taalibaan.
Waxaa sidatan shaaca ka qaaday howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee wadanka Afghanistan ee (UNAMA)
Taalibaan ayaa markii xukunka dalkaasi la wareegtay sheegtay inay cafis u fidineyso saraakiishii iyo askartii maamulkii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Afghanistan Ashraf Ghani.
Howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee wadanka Afghanistan ee (UNAMA) oo warbixintii ugu horreysay soo bandhigay tani iyo markii maamulka Taalibaan uu la wareegay xukunka wadankaaasi ayaa hay’addan diiwaangelisay 800 oo kiisas oo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xarig aan loo meel dayin, jirdil iyo in si xun loola dhaqmay maxaabiis.
UNAMA ayaa dhanka kale diiwaangelisay ku dhawaad kala bar dhammaan dilalka sharci darrada ah ee loo gaystay saraakiishii dowladdii hore iyo ciidamadii ammaanka Afghansitan ee afartii bilood ee ugu horreysay ee xukunka Taaliban
Waxaa ay intaasi ku dartay in sidoo kale xadgudubyada ay sii socdeen sanadkii hore ee 2022-kii, iyada la diiwaangeliyay 70 dilal oo sharci darro ah.
Maamulka Taalibaan ayaa la wareegay gacan ku haynta dalkaasi bartimihii bisha Siddeedaad ee sanadkii 2021-kii ka dib markii madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani uu ka cararay caasimadda Kabul.