Waxaa maalmo ka hor deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa shir ku yeeshay odayaal oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga nabadgalyada ee Dadaab Cismaan Cabdi Ibraahim oo loo yaqaano Cismaan Afmaroor, iyadoo kulankan ay ka soo qayb galeen laamaha ammaanka.
Odayaasha shirkaasi ka qayb galay ayaa sheegay in qaybo ka mid ah xeryaha laga qorayo ciidamo mucaarad ku ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland .
Hasa ahaate, waxaa arrinkaasi gaashaanka u daruuray qaar ka mid ah guddiga nabadgalyada ee deeganka Dadaab, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee xeryaha.
Waxaa ay sheegeen in eedeyntaasi aysan sal iyo raad toona lahayn sida ay hadalka u dhigeen