Timo-jare loo xiray dilka orodyahan ajaanib ah ee ismaamulka Elgeyo Marakwet

0
463

Waxaa lagu soo warramayaa in timo-jarre lagu haya saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Iten ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Timo-jaraha ayaa lagu eedeeyay inuu dilay orodyahan ajnabi ah.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Elgeyo Marakwet Tom Makori.
Taliyaha ayaa sheegay in tima-jaraha uu la dagaalamay orodyahanka, isaga oo si xun u dhaawacay ka hor inta uusan dhiman.
Waxaa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aysan caddeyn sababta ay labada qof u dagaalameen, isagoo sheegay in la billaabay baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay dadka deegaanka in ay ka waantoobaan falalka ay gacmahooda ku gaysanayaan, islamarkaana taa beddelkeeda ay laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan dhacdooyinkan noocan.