Madaxweynaha dalka iyo senatarka gobolka Delaware ee Maraykanka oo wada hadlay

0
263

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saaka aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay senatarka gobolka Delaware ee dalka Maraykanka Chris Coons.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu madaxweyne Ruto ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Kenya kala dhexeya Maraykanka.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa xusay in Kenya aad u daneyneysaa in ay marwalbo wanaajiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka si loo ballaariyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee muwaadiniinta labada dal.
Waxaa uu intaasi ku daray in iskaashiga labada waddan uu faa’iido u horseedayo dadaallada lagu yareynayo isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.
Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in senatarka gobolka Delaware ee dalka Maraykanka Chris Coons uu u aqoonsaday Kenya mid ka mid ah dalalka ugu dimuqraadiyadda badan caalamka.
Dhanka kale, Senator Chris Coons ayaa sheegay in madaxweyne Ruto uu kala hadlay arrimaha amniga caalamka, isbeddelka cimilada iyo waddada horumarka ee maamulka dowlad wadaajinta.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta dalka Dr.Alfred Mutua iyo safiirka dowladda Maraykanka ku matasho dalkani Kenya Ambasadoor Meg Whitman.
Toddobadkii hore ayay ahayd markii senatarka gobolka Delaware ee dalka Maraykanka uu ismaamulka Kisumu wada hadal kula yeeshay hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Azimio Raila Odinga.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankooda ayaa ahaa wada hadallada u socda mucaaradka iyo dowladda.