Raila oo si adag uga falceliyay hadal ay dhawaan jeejisay safiirka dowladda Maraykanka ku matasho Kenya

0
326

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa gaashaanka u daruuray hadal ay dhawaan safiirka dowladda Maraykanka ku matasho dalkani Kenya Ambasadoor Meg Whitman ka jeedisay shirka dowlad wadaajinta ee ka socda magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Safiiradda ayaa sheegtay in doorashadii guud ee wadanka ka dhacday sanadkii hore ay ahayd tii ugu kalsoonida badnayd ee abid Kenya ka qabsoonto.
Mr. Odinga, oo shalay ka hadlayay goobta uu ka socda shirka dowlad wadaajinta ayuu danjire Meg Whitman ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha Kenya.
Waxaa uu sheegay in haddii Ms.Whitman aysan faraha kala bixin arrimaha Kenya uu mucaaradka qaadi doona tallaabo uu ku codsan doona in dowladda Maraykanka ay dib ugu yeerto safiirkeeda wadanka ku matala.