Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in ciidamada gaashaandhigga wadanka ee KDF-ta ay gudaha qaranka Soomaaliya isaga bixi doonaan marka laga gaaaro bisha 12-aad ee sanadka 2024-ka.
Ciidamada difaaca Kenya ee KDF-ta ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya galeen bishii Tobnaad ee sanadkii 2011-kii.
Aadan Barre Ducaale oo la hadlay teleefishinka maxalliga ee Cetizen ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka soo baxeem howshii loo igmaday.
Wasiirka ayaa intaaasi ku daray in ciidamada qaranka Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan.
Waxaa uu caddeeyay in dhammaan ciidamada hoos taga howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ay Soomaaliya ka soo baxayaan ugu dambeyn dabayaaqada sanadka 2024-ka
Ducaale ayaa sheegay in ciidamada difaaca dalka la gayn doona sohdimaha uu wadanka la wadaago Soomaaliya, si ay uga hortagaan weerarrada kooxda Al-Shabaab mararka qaar ka gaysata qaybo ka mid ah Kenya.