Senetarka ismaamulka Uasin Gishu oo maxkamadda Nakuru la soo taagay

0
273

Waxaa maxkamadda dowlad deegaanka Nakuru la soo taagay senetarka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago.
Waxaa uu senatarka ka mid yahay saddex qof oo la xiriiranaya fadeexaad lagu lunsaday balaayin lacag ah oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho dibadeed loogu diro waddamada Finland iyo Canada.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Joseph Kipkemoi Maritim, Meshak Rono iyo Joshua Kipkemoi Lelei.
Fadeexadaan ayaa lagu lunsaday lacag gaareyso 1.1 bilyan oo shilin oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho loogu diro dibadda.
Waalidiinta ayaa dacwaddan u gudbiyay maxkamadda.
Fadeexadaan ayaa ragaadisay boqollaal arday ah, iyadoo haatan waalidiin badan ay la daala dhacayaan khasaaraha dhaqaale ee arrintan ka soo gaartay.
Dhaqaalahan ayaa la lunsaday muddadii uu Jackson Mandago ahaa barasaabka ismaamulka Uasian Gishu.