DHAGEYSO:Thika: 2 qof oo dhintay ka dib markii ay cuneen rashin ay goob qashin ah ka soo qaadeen

0
276

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo qof halka toddobo kale la dhigay isbitaalka heerka shanaad ee magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu.
Dadkan ayaa la sheegay inay cuneen boosha ay goob qashin ah ka soo qaadeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah dadka isbitaalka la dhigay ay xaaladdiisa liidato.
Sarkaalka caafimaadka ee ugu sarreeya ee isbitaalka heerka shanaad ee deegaanka Thika Waruti Kibuti ayaa warbaahinta u sheegtay in dhakhaatiirta ay haataan ku howlan yihiin la tacaalida dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay cunnada wasakheysan oo ay cuneen.
Warbixinta xarunta caafimaadka ayaa muujinaysa in shakhsiyaadka ay la soo darseen dhibaatooyin dhanka neefsashada ah.
Waxaa haatan socda baaritaanno la xiriira dhacdadan.
Dhanka kale, hooyada dhashay mid ka mid ah dadkii ay waxyeellada soo gaartay ayaa warbaahinta la hadashay