Madaxda militariga ee Galbeedka Afrika oo ka shiraya xaaladda Niger

0
296

Madaxda militariga ee ka socda jaaliyadda dhaqaale ee waddamada ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika ee ECOWAS ayaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee toddobadkan kulan ku yeelan doona dalka Ghana.
Kulankan ayay uga arrinsan doonaan xaaladda ka taagan dalka Niger.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in kulankan uu qabsoomo maalinkii Sabtida ee toddobaadkii hore balse dib loo dhigay.
Jaaliyadda dhaqaale ee waddamada ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika ee ECOWAS ayaa wada dadaallo ay kula xaajoonayaan ciidamadii afgambiga sameeyay ee uu hoggaamiyo janeraal Abdourahmane Tchiani.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii ay ciidamada ilaalada madaxtooyada ee wadankaasi ay xukunka ka afgembiyeen madaxweynihii Niger Maxamad Bazoum.
Saraakiisha militariga ayaa dafiray muddo toddobaad ahayd oo ay u qabatay ECOWAS si ay talada dib ugu celiyaan madaxweynihii ay ka faro maroojiyeen.