Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay eedaysane lagu tuhmayo inuu qayb ka ahaa 3 qof oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen dil toddobaadkii hore xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi loogu gaystay sarkaal ka tirsanaa waaxda DCI-da.
Eedeysanaha la qabtay oo lagu magacaabo Alex Wanjiru, ayaa da’diisa waaxda DCI-da ku sheegtay 23 sano jir.
Waxaa eedeysanaha laga soo qabtay deegaanka hoose ee Ruthingiti oo ka tirsan ismaamulka Kiambu ee uu ku dhuumaaleysanayay.
Dhacdadan oo la soo tabiyay 8-dii bishan, ayaa ka dhacday aaga Mihango ee xaafadda Kayole.
Dambi baaraha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey David Mayaka, waxaana laga takhalusay xilli fiid ah oo uu u sii jeedey gurigiisa ayna la socotay xaaskiisa.
Waxaa falkan gaystay 3 burcad ah, oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.
Gaari uu watay sarkaalka ayaa cilad ku timid mid ka mid ah taayarrada, islamarkaana isagoo ku howlanaa hagaajinta gaarigiisa ay kooxdan oo hubsaysan caloosha iyo bawdada ka toogateen.
Xaaska sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Hellen Kemunto oo haatan laga daweynaya dhaawac soo gaaray ayaa sidoo kale xabad lagaga dhuftay lugta xilli ay isku dayaysay inay baxsato.
Saraakiisha dambi baarista ayaa sheegay in xariga eedeysanaha la qabtay uu daba socday howlgal baaritanno ah oo ay sameeyeen laamaha ammaanka.
Dhacdadan ayaa waxaa duubtay kameerada muuqaaladda qarsoon duuqbto ee loo yaqaano CCTV-da
Mar sii horreysay, dambi baarayaasha ayaa soo helay mooto ay isticmaalayeen kooxda saddexda ah ee dilka gaysatay.
Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku dartay inay aqoonsandeen labada eedeysane kale ee baxsadka ah.
KEY SUSPECT IN DETECTIVE MAYAKA’S KILLING ARRESTED
One of the main suspects behind the cold-blooded murder of a DCI detective has been arrested and the motorbike used as the gateway means during the incident impounded.
In a stealth operation mounted by sleuths from the elite… pic.twitter.com/0RoFDkdFVG
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) August 15, 2023