Madaxweynaha dalka oo wada hadal la yeeshay xoghayaha guud ee UNCTAD

0
234

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bogaadiyay doorka ay madasha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha ganacsiga iyo horumarka ee (UNCTAD) ka ciyaartay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hortaagan qaab-dhismeedka ee waddamada soo koraya.
Waxaa uu madaxweynaha ku dooday in la raadiyo horumar loo dhan yahay, adkaysi leh, caddaalad ah, sinnaan iyo horumar waara.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa xusay in ganacsiga uu weli fure u yahay koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweynaha dalka ayaa hadalkan maanta ka sheegay madaxtooyada yar ee Eldoret State Lodge ee ismaamulkaasi Uasin Gishu, oo uu wada hadal kula yeeshay xoghayaha guud ee UNCTAD Rebeca Grynspan.
Tani ayaa ku soo beegmaysa xilli berri magaaalda Nairobi uu ka furmi doono shirka qaramada midoobay ee ganacsiga iyo horumarka ee (UNCTAD)
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda ganacsiga ee dalka, Moses Kuria ayaa bogaadiyay in shirka UNCTAD lagu qabto magaalada Nairobi.