Ugu yaraan 25 qof oo ku dhintay dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla dalka Ruushka

0
278

Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa dhintay ka dib markii dab iyo qarax uu ka dhacay goob kaalin shidaal ah oo ku taalla gobolka Dagestan ee koonfurta dalka Ruushka.
Waxaa sidatan ku warrantay wakaaladda wararka ee Interfax oo soo xiganaysa dhakhaatiirta caafimaadka.
Dabka ayaa ka billowday goob baabuurta lagu dayactiro oo ku taalla waddada dhinaceeda, iyadoo uu dabka ku sii fiday kaalin shidaal oo goobta ka ag dhaweyd.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 66 qof ay dhaawacyo soo gaareen iyadoo 10 ka mid xaaladooda ay liidato.
Sidoo kale 13 ka mid ah dadka dhaawacmay ah ayaa ahaa carruur.