Maamule dugsi oo la xiray ka dib markii ay barteeda Whatsap-ka ku daabacday warqadaha imtixaanka qaran ee KCSE-da

0
609

Betta Mutuku, oo ah maamulaha dugsiga sare ee ABC Kiseveni ee ismaamulka Machakos ayaa la xiray ka dib markii ay barteeda Whatsapp-ka ku daabacday warqadda maadada xisaabta ee imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da.
Saraakiisha booliska oo ay hoggaminayso taliyaha Machakos Rhodah Kanyi ayaa tagay dugsiga xilli uu socday imtixaanka waxayna goobta ka wadeen maamulaha iskuulka si su’aalo loo weydiiyo.
Ms. Mutuku ayaa la sheegay inay warqadda ku daabacday barta WhatsApp-ka fiidnimadii Isniinta si ay ardayda u darsaan ka hor subaxa talaadada oo ay u fadhiisanayeen.
Maamulaha ayaa laga qaaday taleefoonkeeda gacanta waxaana hadda lagu billaabay baaritaan.