Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa sheegay in berri howlgal amni ay ka billaabi doonaan ismaamulka Baringo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in howlgalka lagu bartilmaameedsan doono shakhsiyaadka sita hubka sharci darrada ah
Mas’uulkan ayaa carrabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka ay sameynayaan wax kasta oo uu sharciga wadanka u ogolyahay si ay u soo afjaraan adeegsiga hubka sharci darrada ah ee loo adeegsado dhaca xoolaha iyo falalka kale ee amniga liddiga ku ah