Guddoomiyaha IPOA oo la kulantay LSK

0
298

Guddoomiyaha maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ,Anne Makori iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulkan ayaa kulan la qaatay xubnaha golaha ururka qareennada wadanka ee LSK ee uu hoggaamiyo Eric Theuri.
Waxaa shirka diiradda lagu saaraya dhinacyada ay IPOA iyo LSK iska kaashan karaan si loo xoojiyo la xisaabtanka booliiska.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay wadagaan aqoontooda iyo khibradooda ku aaddan wanaajinta waxqabadka laamaha ammaanka ee dalka.
Maamulka IPOA ayaa dhanka kale sheegay inuu baaritaano ku sameeyay kiisas gaaraya 367 oo la xiriira habdhaqanka shaqo ee booliiska.
Waxay soo jeediyeen in la xiro gal-dacwadeedka afar kiis ka dib qiimeyn dhanka sharciga ah oo la sameeyay .
Maamulka IPOA ayaa sheegay inuu xafiiska dacwad oogidda dalka ee ODPP u gudbiyay 147 ka mid ah kiisaskii lala soo wadaagay ee uu baaray.
Ururrada u ololeeya arrimaha bulshada, xuquuqul aadanaha iyo maamul wanaagga ayaa ciidamada booliiska ku eedeyay inay ku xadgudbeen shacabkii ka qayb qaadanayay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda dhexe.
Hasa ahaate IPOA ayaa ballan qaadday inay baaritaano qoto dheer ku sameyn doonto eedeymaha loo jeediyay booliiska si baaritaannada ka dib sarkaalkii lagu cadeeyo inuu xadgudub sameeyay looga qaado tallaabo sharciyeed.