Hindise sharciyeed ka dhan ah barasaabyadii hore oo loo gudbiyay aqalka sare

0
270

Senatar Chimera Mwinzagu oo aqalka sare ee dalka ugu biiray si magacaabid ah ayaa gudbiyay hindise sharciyeed uu ku doonaya in siyaasiyiinta horay u soo noqday barasaabyada ismaamullada aynan u tartamin xilalka senatarnimo , xildhibaananimo ama wakiillada deegaannada hoose ee MCAs.
Haddii uu meel maro isbeddel sharciyeed oo uu senatarka soo saaray, barasaabyadii dhameystay muddo xileedkooda ayaa laga hor istaagi doonaa inay muddo shan sano ah jagooyinkan u tartamaan.
Mwinzagu ayaa soo jeedinaya in isbeddel lagu sameeyo farqada 180-aad ee dastuurka dalka si guddoomiyaha ismaamulka ee labo xilli la soo doortay uunan ugu tartamin jago aan ka ahayn xilka madaxweynenimo.
Senatarka ayaa ujeeddada uu ka leeyahay hindisahan ku sheegay in la xoojiyo isla xisaabtanka sidoo kalena laga baaqsado danaha isa saameeya.
Waxaa uu ku doodaya in marka barasaab hore uu senatar ama wakiil deegaan noqdo ay tani caqabad ku noqonaysa geeddisocodka isla xisaabtanka iyo kormeeridda howlaha dowlad deegaannada.
Hindise sharciyeedka ayaa hadda hor yaalla guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha cadaaladda, dastuurka iyo xuquuqul aadanaha .
Xubnaha guddigan ayaa laga doonaya in marka ay qoraalka eegaan ka dib ay muddo labo toddobaad gudaheeda ah guddoomiyaha senate-ka , Amason Kingi ugu gudbiyaan warbixin.
Waxaa hadda senatarro ah barasaabkii hore ee ismaamulka Uasin Gishu ,Jackson Mandago, Cali Roba (Mandera).
Sidoo kale guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi ayaa horay u soo noqday barasaabkii Kilifi.