Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku sugan wadanka Mozambique halkaasi oo uu ku tagay safar rasmi oo labo cishe ah.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa bayaan ku sheegay in madaxweyne Ruto iyo dhigiisa Mozambique ,Filipe Nyusi ay yeelan doonaan wada hadallo labo geesood ah oo lagu sii xoojinaya xiriirka ay waddamadooda wadaagaan.
Wada hadallada waxay ku saabsan yihiin dhaqaalaha badaha iyo kalluumeysiga, ganacsiga, gaashaandhigga , beeraha , tamarta gaadiidka iyo sare u qaadidda aqoonta.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale wada saxiixi doono 8 heshiisyo ah oo la xiriira iskaashiga Kenya iyo Mozambique.
Waxaa halkaasi ka qabsoomi doono madasha ganacsiga ee labada waddan oo la isku dhaafsanaya fursadaha dhaqaale halka la soo saari doono guddi iskudhaf ah oo ka shaqeynaya arrimaha ganacsiga .
State Visit, Office of the President of the Republic, Maputo, Mozambique. https://t.co/MiAcThOYyc
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) August 10, 2023
Press Release:
President William Ruto’s State Visit to Mozambique pic.twitter.com/YwIXccZcIW
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) August 10, 2023