Wasiirrada arrimaha gudaha iyo isgaarsiinta oo laga dalbaday faahfaahin ku saabsan Worldcoin

0
271

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka , Moses Wetangula ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Prof.Kithure Kindiki iyo dhigiisa ICT-da Eliud Owalo u qabtay muddo isbuuc ah.
Wasiirrada ayaa laga doonaya inay cadeeyaan milkiilaha shirkadda ganacsiga online-ka ee Worldcoin.
Macluumaadka Kindiki iyo Owalo looga fadhiya waxaa ka mid ah inay faahfaahiyaan qaabkii shirkaddan looga diiwaangeliyay gudaha wadanka , in macluumaadka dadweynaha ay ka uruurisay ay gaarsiisan tahay xadgudub dhanka badqabka ah iyo tallaabooyinka la qaaday ee lagu xaqiijinaya in aan si khaldan loo adeegsan xogaha shacabka.
Wetangula ayaa sidoo kale amray in xafiiska ilaaliya xogaha aan laga qayb gelin baaritaannada ka dhanka ah Worldcoin maadaama sida uu hadalka u dhigay ay suurtagal tahay in la farageliyay.