Ruushka oo sheegay inuu soo riday 13 ka mid ah diyaaradaha Ukraine

0
285

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in hannaankeeda difaaca hawada sare uu soo riday 13 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo ay adeegsanaysay Ukraine.
Diyaaradahan ayaa lagu bartilmaameedsanayay magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea.
Sidoo kale qaar ka mid ah diyaaradahan ayaa dul marayay caasimadda Ruushka ee Moscow.
Tallaabada lagu soo riday waxaa xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka in kastoo Ukraine aynan weli dhankeeda arrinkan weli ka hadlin.