In ka badan 138 odayaal ah oo ku lug lahaanshaha sixirka loogu dilay Kilifi

0
507

Waxaa muddo labo sano ah ismaamulka Kilifi lagu dilay ugu yaraan 138 odayaal ah.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan lagu eedeyay ku lug lahaanshaha falalka sixirka.
Waxaa arrinkan warbixin shaaca uga qaadday hay’adda u ololeysa xuquuqul aadanaha ee Haki Yetu.
Dilalkan ayaa la diiwaangeliyay intii u dhexeysay sanadkii 2020 ilaa 2022-kii.