DHAGEYSO:Taliyaha guud ee booliiska oo eedeyn u jeediyay Azimio

0
404

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ku eedeyay inay lacago ku bixiyeen sidii ay u cuskan lahaayeen meydadka yaalla goobaha meydadka la dhigo si ay booliiska ugu eedeyaan inay dad badan dileen.
Arrintan ayuu Koome ka sheegay machadka lagu tababaro ciidamada booliiska ee Kiganjo ee ismaamulka Nyeri.
Waxaa uu xubnaha adeegga qaran ee booliiska ee NPS ka difaacay eedeymo uga yimid mucaaradka oo ahaa inay si arxaan darro ah ula macaamileen oo ay dileen qaar ka mid ah dadkii ka qayb qaadanayay mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda dhexe.
Waxaa uu intaasi ku daray inay heleen xog sirdoon oo tilmaamaysa in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay qarashaad ku bixiyeen inay sawirro ka qaataan meydad si loogu faafiyo baraha bulshada.

Waxaa uu ku celceliyay in aan marnaba lagu guulaysan doonin waxa uu ku tilmaamay dacaayad siyaasadeed oo ka dhan ah booliiska dalka.