Guddoomiyaha ismaamulka Nakuru Susan Kihika ayaa shacabka ku nool dowlad deegaankaasi ku boorrisay inay aad uga taxadaraan siyaasadda ku saleysan kala qaybinta dadweynaha ee ay adeegsadaan qaar ka mid ah madaxda la soo doortay.
Waxay u sheegtay shacabka inay hoggaamiye kasta kula xisaabtamaan waxqabadkiisa.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay shaaca ka qaadday in labo bilood gudahooda deegaanka Waqooyiga Kuresoi ee ismaamulkaasi laga hirgelin doono isbitaalka heerka afaraad .