Booliiska Australia oo 19 qof u xiray ku xadgudubka carruurta

0
393

Laamaha ammaanka ee dalka Australia ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen 19 qof oo rag ah oo ku eedeysan inay tacaddi galmo kula kaceen carruur.
Tani ayaa timid ka dib baaritaan ay sameysay laanta dambi baarista ee Maraykanka ee FBI-da oo lagu ogaaday jiritaanka isku xir caalami ah oo carruurta lagu xadgudbo.
Taliyaha booliiska Australia Helen Schneider ayaa maanta sheegtay in la soo badbaadiyay 13 carruur ah.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in eedeysanayaasha oo ay da’doodu u dhexeyso 32 ilaa 81 sano ay soo saareen ka dibna ay faafiyeen waxyaabo ku saabsan tacaddi carruur loo gaystay.
Dhanka kale maamullada Maraykanka ayaa xiray 79 qof oo lala xiriirinaya gaboodfallada ka dhanka ah ubadka waxaana dembiyo lagu helay 43 shakhsiyaadkan ka mid ah.