Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in dowladda iyo isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay ku heshiiyeen in xarunta Bomas ee magaalada Nairobi uu ka dhaco kulankooda ugu horreeya.
Mr. Icung’wah ayaa sheegay in tani ay daba socotay ka dib markii uu saaka la hadlay hoggaamiyaha kooxda Azimio ee dhanka wada hadallada Kalonzo Musyoka.
Waxaa uu intaasi ku daray in kulankoodi ugu horreeya uu qabsoomi doono maalinka Arbacada ee toddoobaadkan.
Kimani Ichung’wah ayaa ku celceliyay in qiimaha sarreeya ee maciishadda aynan wada hadallada qayb ka noqon doonin.
Waxaa uu xusay in qiimaha maciishadda ay dowladda xallin doonta maadaama uu ku jiro qorsho maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.