Waxaa maanta la xusaya sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegatay weerarradii sanadkii 1998-dii lagu qaaday safaaradihii Maraykanka ee magalooyinka Nairobi ee Kenya iyo Daresalam oo ku taalla dalka Tanzania
Weerarradaasi waxaa ku nafwaayay in ka badan 200 qof halka ilaa 5,000 oo ruux ay ku dhaawacmeen.
44 ka mid ah dadkii weerarkaasi ku nafwaayay ayaa ahaa shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Nairobi.
25 sano oo ka soo wareegtay khasaarihii ka dhashay weerarradaasi oo la xusayo maanta ayaa reebtay saameyn xoog leh.
Dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaasi oo dhawaan hor tegay guddi gaar ah uu aqalka sare arrinkan u xilsaaray ayaa waxay codsadeen in dowladda ay siiso magdhow.
Waxaa weerarkii Nairobi ka dib ee isla maalinkaasi xigay mid kale oo laga fuliyay magaalada Daresalam ee Tanzania oo ay ku dhinteen 11 qof.
Weerarradii 1998-dii lagu qaaday safaaradihii Maraykanka ee magalooyinka Nairobi iyo Daresalam ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxda Al-Qaacida.