KNUT oo soo dhaweysay soo jeedinnada guddiga tacliinta

0
340

Xoghayaha Guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT ,Collins Oyuu ayaa soo dhaweeyay isbeddello uu dhawaan soo jeediyay guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo manhajka waxbarashada ee CBC.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in warbixinta guddigan ay tahay mid ku saleysan cilmi baaris qoto-dheer.
Oyuu ayaa xubnaha ku bogaadiyay inay tixgeliyeen aragtida iyo talooyinka daneeyayaasha waxbarashada gaar ahaan macallimiinta.
Xoghayaha Guud ee ururka KNUT , ayaa si gaar ah u taageeray in ardayda laga dhimay tirada maadooyinka tusaale kuwa lagu qaato dugsiyada Junior Schools oo ahaa 14 ayaa lagu soo reebay 9.
Fasallada aasaasiga ee dugsiyada hoose, maadooyinka oo ahaa 9 waxaa laga dhigay 7, qaybta dugsiyada hoose dhexe ee Upper primary ama wixii fasalka afaraad ka billowdo oo ay ardayda dhigta horay qaadanayeen 12 maaddo waxay qaadan doonaan 8.
Sidoo kale xubnaha guddigan waxay soo jeediyeen in magaca secondary laga saaro heerarka dugsiyada aasaasiga iyo kuwa sare .
Isbeddellada waxaa ka mid ah in ardayda dhameeyay dugsiyada sare ee u gudbaya jaamacadaha ama machadyada farsamada ama xita marka ay ka qalin jabiyaan machadyadan inay sameeyaan adeeg bulsho oo qasab ah ilaa hal sano.
Madaxa ururka qaran ee KNUT ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ka qayb galay kulanka sanadlaha ee barayaasha oo lagu qabtay magaalada Eldama Ravine, ee ismaamulka Baringo.