Madaxweynaha oo munaasabad duco ah ku qabanaya Nyeri

0
227

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri ku qabanaya munaasabad duco ah.
Waxaa munaasabadda ka qayb galaya siyaasiyiin kala duwan oo uu ka mid yahay ku xigeenka madaxweynaha dalka ,Rigathi Gachagua.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda maanta uga faa’iidaysan doono inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha dhanka horumarka ee uu maamulkiisa diiradda saaraya.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha wadanka uu u billowday socdaal shan cishe ah oo uu ku maraya ismaamullada gobolka bartamaha Kenya isagoo mashaariic horumarineed ka daahfuray Githurai oo ka tirsan ismaamulka Kiambu , iyo deegaannada Ndia iyo Mathira oo ka kala tirsan ismaamullada Kirinyaga iyo Nyeri.