Maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa shirkadaha iyo waaxyaha loo shaqeeya ku amray inay si billa ah laga soo billaabo bishii Toddobaad ee sanadkan ay mushaaraadka howlwadeennadooda uga jaraan lacagaha sanduuqa guriyeynta.
Guddoomiyaha KRA u qaabilsan canshuuraha maxalliga ah ayaa wargelin dadweyne ku sheegay in shirkadaha sidoo kale laga doonaya inay iyagana bixiyaan boqolkiiba 1.5.
KRA ayaa intaasi ku dartay in shirkaddii aan sidan sameyn la saaraya ganaax u dhigma boqolkiiba labo ee lacagaha aynan bixin bil kasta ilaa iyo inta ay amarkan uga hoggaansameyso.