Dowladda oo ballan qaadday tayeynta tacliinta dalka

0
306

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay wanaajinta tayada waxbarasho.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha dowladda uu yahay in dadweynaha loo fududeeyo helidda tacliinta si boqolkiiba boqol ardayda dhameeyay dugsiyada sare ay ugu biiraan machadyada iyo jaamacadaha wadanka.
Madaxweyne Ruto ayaa ku celceliyay inay ku dadaalayaan sidii waxbarashada looga dhigi lahaa mid lagu tartamo oo ku saleysan baahida wax soo saarka noocyada kala duwan ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay arrimaha tacliinta ka dhigayaan kuwo la jaanqaadaya qorshaha horumarinta dhaqaalaha ee dowladda.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Machakos oo uu shalay aqoonsi ku guddoonsiiyay jaamacadda Open University of Kenya oo qaab fogaal-arag ah wax looga baran karo.