Dalka Bangladesh oo xaalad bandow ah lagu soo rogay

0
589

Dowladda wadanka Bangaladesh ayaa lagu soo warramayaa inay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakamaynayo faafidda cudurka Coronavirus.
Tallaabooyinka cusub waxaa ka mid ah in muddo toddobaad ah dalkaasi la galiyo xaalad bandow ah.
Waxaa la xirayaa goobaha ganacsiga iyo socdaalka si hoos loogu dhigo tirada sii kordhaysa ee xanuun sidaha coronavirus oo kor u kac guud laga dareemaya toddobaadyadi ugu dambeeyay.
Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in la joojin doono duulimaadyada dalkaasi Bangladesh gudihiisa ah iyo sidoo kale socdaallada gadiidka dhulka iyo kan biyaha guud ahaan wadankaas laga bilaabo maanta oo Isniin ah.
Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay in kaliya la ogolaan doono xaaladaha degdegga ah inta lagu guda jiro bandowgan cusub .
Waddamo u badan kuwa qaaradda Yurub ayaa qaaday xayiraado ay ku diidan yihiin in la soo galo dalalkooda si ay hoos ugu dhigaan tirada xaaladaha xanuunka COVID-19.
Khubuurada dhinaca caafimaadka ee Bangladesh ayaa sheegeen in ay wajahayaan cadaadis xooggan iyada oo dadka uu cudurka soo ritay ay buux dhafiyeen isbitaalada toddobaaadyadi u danbeeyay.
Shalay oo kaliya dalkaasi waxaa laga diiwaan galiyay xaalado cusub oo COVID-19 ah kuwaas oo gaaraya 7,087.
Si guud dadka ilaa iyo haatan uu haleelay caabuqa corona ee dalka Bangladesh ayaa gaaraya 640,000, halka dhimashada ka dhalatay cudurka ee dalkaas ay ilaa iyo hadda tahay 9,266 .
Dowladda Bangladesh ayaa ka codsatay dadkeeda in ay guryaha ku sugnadaan laga bilaabo 6-da maqribnimo ilaa 6-da subaxnimo.
Ra’iisul wasaraha Bangladesh Sheekh Hasina, oo mar sii horraysay baarlamaanka dalkaas la hadlaysay ayaa ku boorrisay shacabka wadankaas inay gacan ka gaystaan xakamaynta caabuqa.