Ruushka oo sheegay inuu ka hor tagay weerarka Ukraine ee Badda Madow

0
452

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay ka hor tagtay weerar ay Ukraine ku soo bartilmaameedsatay saldhig ay ciidamada badda ku leeyihiin aagga Badda Madow iyo sidoo kale gobolka Crimea.
Bayaanka wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow waxaa ku cad in weerarrada ay isugu jireen kuwo dhanka biyaha iyo hawada ah.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in weerarka lala damacsanaa saldhigga ciidamada badda ee Novorossiysk lagu fulin rabay labo doomood.
Waxay intaasi ku dareen in sidoo kale la adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka balse aan lagu guulaysan.
Weerarrada dhanka badda ee ka imaanaya labada dhinac ayaa kordhay tan iyo markii ay dowladda Ruushka bishii hore iskaga baxday heshiiska dhoofinta qamaddiga.