Kindiki oo sheegay in la dilay kooxdii shalay weerarka ka fulisay Lamu

0
396

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ay fuliyeen 60 ka mid ah Al-Shabaab balse dhammaantood laga takhalusay.
Waxaa weerarkaasi ku dhintay labo qof halka toban kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka ayaa sheegay in shakhsiyaadka weerarka soo qaaday lagu dilay howlgal ballaaran oo laga sameeyay waddada u dhexeysa Lamu iyo magaalada Garsen oo ka tirsan ismaamulka Tana River.