Dhallinyaro ay shaqo abuur u noqotay maareynta nadaafad darrada Dhagaxleey

0
496

Ka dib markii uu yaraaday dhaqaalaha hay’adaha gargaarka ay ku bixin jireen nadaafadda xeryaha isla markaana la kala diray dadkii ka shaqeyn jiray arrimaha nadaafadda ee xerada qaxootiga ee Dhagaxleey qashinkuna uu ku soo batay suuqa iyo xaafadaha xeradaasi ayaa waxaa hal abuur dhibaatadan wax looga qabanaya la yimid qaar ka mid ah dhallinyarada xerada Dhagaxleey oo isugu jira qaxooti iyo dadka deegaanka ah.
Waxay billaabeen qaab lacago looga qaadaya xaafadaha iyo dadka ku ganacsado suuqa si nadaafad darrada loo maareeyo.
Tani ayaa dhanka kale dhallinyarada u noqotay shaqo abuur.
Guddoomiyaha dhallinyaradan ,Maxamad Guhaad Muxumad ayaa barnaamijkan uga warramay Maxamad Baaruud Xuseen.