Wasiirka ganacsiga oo sheegay in hal sano lagu hirgelin doono goobaha wax soo saarka warshadaha

0
401

Wasiirka wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha ee dalka Moses Kuria ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in muddo hal sano gudaheeda ah dhammaan 47-da dowlad deegaan ee ay Kenya ka kooban tahay laga hirgelin doono goobaha wax soo saarka .
Waxaa uu sheegay inuu rajeynaya in qorshahan la soo gabagabeeyo bisha Siddeedaad ee sanadka 2024-ka.
Kuria ayaa xusay in goobahan ay kaalin wayn ka qaadan doonaan dardargelinta kobaca dhaqaale ee dalka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ee (CoG).
Kuria ayaa sheegay inay arrin la yaab ah ku noqotay in 32 ismaamul aynan lahayn xarumo lagu keydiyo oo lagu sii wanaajiyo waxyaabaha ay soo saaraan warshadaha kala duwan marka laga soo tago caleenta shaaha, qaxwada iyo meelaha galleyda lagu shiido.
Dhisidda goobahan waxaa dowladda uga baxaysa lacag dhan 23.5 bilyan oo shilin.