DHAGEYSO:UDA oo kulan la qaadatay ururrada dhallinyarada, haweenka iyo naafada ee Nairobi

0
274

Xisbiga talada wadanka haya ee UDA ayaa la kulmay kooxaha dhallinyarada , haweenka iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee ismaamulka Nairobi.
Xoghayaha Guud ee UDA, Cleophas Malalah oo barnaamijkan hoggaaminayay ayaa sheegay inuu yahay mid la jaanqaadaya qorshaha horumarineed ee maamulka madaxweyne William Ruto ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose iyadoo taageero la siinaya ganacsatada yaryar.
Barnaamijkan oo uu sheegay in laga fulin doono ismaamullada kale ee wadanka ayaa la doonaya in kooxaha dhallinyarada, haweenka iyo naafada loo beddelo iskaashatooyin ganacsi oo loo diiwaangeliyo sida shirkado .

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb gashay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda iskaashatooyinka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe Susan Mang’eni, senatar Tabitha Mutinda,mudanaha deegaanka Rosyambu ,Mwafrika Augustine Kamande, xildhibaanka bartamaha Embakasi, senatar Karen Nyamu , qaar ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulka Nairobi iyo madaxa fulinta ee sanduuqa Uwezo Fund Mr. Peter lengapiani.