DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo baaq u diray Raila Odinga

0
288

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ku dhaliilay inuu buunbuuniyay arrimaha wadanka ka taagan oo uu ka dhigay caqabad heer caalami ah.
Waxaa uu sheegay in xaaladaha jira la maareyn karo oo aan loo baahnayn in cid kale dibadda looga yeero.
Hadalka Mudavadi ayaa ku soo beegmaya hal maalin un ka dib markii ay soo baxeen warbixinno tilmaamaya in madaxweynaha dalka William Ruto iyo Raila Odinga ay kulmeen iyagoo uu weheliyo madaxweynihii hore ee wadanka Nigeria Olusegun Obasanjo.
Musalia ayaa Mr. Odinga u sheegay in guul darrooyinkiisa maxalliga ah uunan caalamka gaarsiin oo aynan Kenya ka taagnayn dhibaato baaxad leh.