Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in isaga iyo hoggaamiyaha garabka mucaaradka Raila Odinga aynan ka wada hadli doonin qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay arrintan la tacaalaysa.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in isaga iyo Odinga ay kulmeen iyagoo uu weheliyo madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay dejisay tallaabooyin wax looga qabanaya caqabadaha ay kenyaanka wajahayaan si waafaqsan qorshihiisi horumarineed.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in Kenya ay sanadkan soo saari doonto cunto dheeraad ah maadaama ay dowladdu dejisay qorsho lagu dhimaya qarashaadka wax soo saarka.
Sidoo kale William Ruto ayaa sheegay in dibadbaxyadii wadanka ka dhacay ee ay dad ku dhinteen sidoo kalena hanti lagu burburiyay aynan hoos u dhigayn sicir bararka nololeed.
Waxaa uu isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uga digay dibadbaxyada rabshadeysan isagoo sheegay in aanan marnaba laga gorgortami doonin nabadgalyada dalka.
Sidoo kale waxaa uu dhallinyarada ku boorriyay inaynan ku lug lahaan falalka burburinta.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale madaxda kula taliyay inay ka fogaadaan siyaasadda kala qaybinta ku saleysan oo ay diiradda saaraan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay hadda arrimaha dhaqaalaha ee wadanka ku maareynayso raasimaal si maxalli ah lagu helaya.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa uu ku guulaystay inuu ismaamullada ku wareejiyo lacagaha loogu talagalay si aan loogu fashilmin hannaanka dowlad wadaajinta.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa magaalada Ukunda ee ismaamulka Kwale.
Waxaa uu halkaasi ka sheegay in maamulkiisa uu lacag dhan 2.5 bilyan oo shilin u qoondeeyay in kalluumeysatada Kwale loogu soo iibiyo doomaha kalluumeysiga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lacago dhan 600 oo milyan oo shilin gaarsiiyay kalluumeysatada ismaamulkaasi si sare loogu qaado ganacsigooda.