DHAGEYSO:Guddoomiyaha aqalka sare oo ku baaqay in aan Raila lagala xaajoon wax maamul ku saabsan

0
310

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto ku boorriyay in uunan madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo mas’uuliyiinta kale ee mucaaradka la gelin gorgortan salka ku haya maamulka.
Kingi oo hadalkan maanta ka jeediyay ismaamulka Kwale oo uu ku sugan yahay madaxweyne Ruto ayaa dhanka kale ku baaqay in dowladda talada haysa fursad loo siiyo dhaqangelinta qorshaheedii horumarineed ee ay kenyaanka u soo bandhigtay xilligii ololaha doorashada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dibadbaxyada siyaasadeed aynan dani ugu jirin dadweynaha iyo si guud horumarka qaranka.