Kenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaalanka maalgelinta argagixisada

0
343

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa sii wadi doono wada shaqeynta ka dhexeysa ee xoojinta xeerarka ka dhanka ah khiyaanada maaliyadeed iyo maalgelinta argagixisada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan shaaca ka qaaday ka dib kulan uu Mombasa kula qaatay ku xigeenka xoghayaha waaxda maaliyadda ee dowladda Maraykanka u qaabilsan sirdoonka argagixisannimo iyo maaliyadeed Brian Nelson.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dhaqangelinta nidaam sharciyeed iyo mid maamul oo ka dhan ah ilaha iyo adeegsiga lacagaha sharci darrada ah ay kaalin wayn ka qaadan karto xaqiijinta hufnaanta iyo in la sugo hannaanka maaliyadda si loo haleelo kobac dhaqaale.