Japan oo sii adkeysay xayiraadda ka dhanka ah Ruushka

0
249

Dowladda Japan ayaa sii xoojisay xayiraadaha ka dhanka ah dowladda Ruushka ee la xiriira duullaanka militari ee Ukraine.
Japan ayaa maanta sheegtay in xayiraadda la sii kordhiyay oo liiska waxyaabaha aan dalkaasi loo dhoofin karin ay ka mid yihiin baabuurta elektoronika ah.
Tan iyo markii duullaanka militari ee Ukraine uu billowday 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore waxaa soo badanayay baaqyada xukuumadda Kyiv iyo saaxiibadeeda ee ku aaddan in cunaqabateyn adag oo dheeraad ah lagu soo rogo Moscow.
Japan ayaa horay u xannibtay hantida shakhsiyaad iyo kooxo ka soo jeedo Ruushka.
Sidoo kale waxay mamnuucday in badeecooyin loo dhoofiyo ama ay adeegyada dhismaha ay helaan hay’adaha xiriirka la leh militariga Ruushka.