Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo qiimaha bacriminta uu noqon doono 2,500 oo shilin .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qiimahan uu horay ahaa 7,000 oo shilin balse sanadkan hoos loo soo dhigay oo uu hadda yahay 3,500 taasina la sii yareyn doono.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Tana River.
Waxaa uu intaasi ku daray in sida lagu yareyn karo qiimaha sarreeya ee maciishadda aynan ahayn dibadbaxyo rabshadeysan balse in beeralayda laga qafiifiyo qarashaadka uga baxa wax soo saarkooda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay kalluumeysatada ismaamulka Tana River gaarsiisay lacag dhan 32 milyan oo shilin si sare loogu qaado ganacsigooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray inuu ka hor bisha 12-aad ee sanadkan dib ugu laaban doono dowlad deegaankaasi oo uu kalluumeysatada ku wareejin doono 40 milyan oo dheeraad ah.
Dhanka kale madaxweyne Ruto ayaa ka hadlay lacagaha ay dowladdu siiso qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul sida waayeellada , agoonta iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay soo saareysa 2.3 bilyan oo shilin oo barnaamijkan loogu talagalay.
Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in la bixinaya 32 bilyan oo shilin oo bishan loogu talagalay in ismaamullada ay si siman u qaybsadaan.