Madaxweynaha Maraykanka oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga

0
213

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Giorgia Meloni.
Waxaa uu ku amaanay taageerada ay xukuumadeeda u muujisay dowladda Ukraine oo uu weli duullaan militari ku hayo Ruushka.
Biden ayaa sheegay in Maraykanka iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir adag oo saaxiibtinnimo.
Meloni, ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faaneysa garab istaagga Ukraine.