Waxaa muddo dheeraad ah xabsiga ku sii jiri doono askari ka tirsan ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta oo ku eedeysan inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Nanyuki.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda dacwad oogidda dalka ay maxkamadda u gudbisay codsi ay uga soo horjeedo in eedeysanaha lagu siidaayo damaanad.
Peter Murage ayaa ilaa bisha Sagaalaad ee sanadkan ku sii jiri doono xabsiga Nyeri King’ong’o.
Garsooraha maxkamadda sare ,Martin Muya ayaa xilligaasi go’aamin doono in askariga damaanad lagu siidaynaya iyo in kale.
Dhanka kale maxkamadda ismaamulka Kilifi ayaa waaxda dacwad oogidda u oggolaatay in muddo labo toddobaad ah xabsiga lagu sii hayo haweeney guri ka shaqeynaysay oo ku eedeysan inay dishay sarkaalkii sare ee ismaamulkaasi ee waaxda kheyraadka badda ,Rahab Karisa.
Muddadan ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo baaritaannada ka dhanka ah Diana Naliaka.
Waxaa ay ku sii jiri doontaa saldhigga booliiska ee Kilifi ka hor inta aynan maxkamadu go’aan kale soo saarin 17-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.