Senatarrada oo eedeyn u jeediyay labo wasiir

0
339

Senatarrada dalka ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Alfred Mutua iyo wasiiradda caafimaadka ,Susan Nakhumicha ku dhaliilay inaynan ka soo hormuuqan aqalka sare si su’aallo loo waydiiyo in kastoo loo yeeray.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in labada wasiir ay maanta hor tagaan aqalka sare balse ma aynan dhicin.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee senate-ka ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa hoosta ka xarriiqay in labada wasiir ay muujiyeen inaynan qadarinayn aqalka sare.
Guddoomiyaha senate-ka dalka,Amason Jeffa Kingi ayaa dhankiisa wacad ku maray inuu arrintan gaarsiin doono xafiiska madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi.
Waxaa uu sheegay inuu u yeeraya Mudavadi si uu faahfaahin uga bixiyo sababta wasiirrada aynan isku soo xaadirin marka laga dalbado.