Waxaa ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta lagu gubay hal tan oo ah maandooriyaha xashiishka iyo boqolaal kiiloogaraam oo ah daroogada nooca cirbadda lagu isticmaalo.
Waxaa arrintan goobjoog u ahayd garsooraha sare ee maxkamadda Malindi, Elizabeth Usui.
Sidoo kale waxaa arrintan ka qayb qaatay machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee (KEMRI), saraakiisha booliiska iyo howlwadeennada waaxda qaabilsan la dagaalanka daroogada.
Balwaddan ayaa qiimaheeda lacageed lagu sheegay ilaa 25 milyan oo shilin.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Ismaamulka Kilifi oo lagu gubay maandooriye qiimihiisu yahay 25 milyan oo shilin