Israa’iil oo 3 qof ku dishay Falastiin

0
236

Militariga Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay saddex qof ku toogteen Daanta Galbeed ee dalka Falastiin.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa xaqiijisay dilalkan oo laga gaystay magaalada Nablus.
Hasa ahaate waxay wasaaraddu intaasi ku dartay inaynan weli aqoonsan dadka la dilay.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegay in saddex qof oo argagixiso ah ay rasaas ku fureen ciidamadooda iyagoo baabuur saaran taasina laga falceliyay oo halkaasi looga takhalusay.
Sanadkan gudihiisa waxaa Daanta Galbeed ee Falastiin lagu dilay in ka badan 200 oo qof oo Falastiiniyiin ah.